Liverpool & Man United Oo Ganaaxyo Lacageed Kala Kulmay UEFA Ka Dib Kulamadoodii Europa League.

0

Manchester United iyo Liverpool ayaa ganaaxyo lacageed kala kulmay UEFA ka dib markii jamaahiirtooda ay ku heeseen ereyo aflagaado ah kulankoodii Europa League bishii Maarso.

Labada kooxood ayaa mid walba la ganaaxay 30,500 ginni, iyadoo kala bar lacagtaas ay hakad ku jireyso muddo lab sannadood ah, waxaana lagu ganaaxay heesaha xumaanta ahaa ee ay qaadeen jamaahiirta labada kooxood iyo qaladaad kale oo ay galeen.

United ayaa 13,750 ginni lagu ganaaxay madaama ay jabiyeen sharciga dhanka amaanka iyagoo xiray jarjarooyinka, taageerayaashooda oo qas sameeyay iyo inay walxo ku soo tuureen garoonka.

Liverpool ayaa iyadana bixineysa 13 kun ginni madaama ay taageerayooshooda buleer ka dhex shideen garoonka, qas ay ku kaceen iyo waliba walxo ay garoonka ku soo tuureen,

Warbixin ay soo saartay UEFA ayaa lagu yiri: “Waxaa intaas dheer in Liverpool lagu amray inay la xiriiraan Manchester United oo ay 30 maalmood gudahood ku xaliyaan dhibaatadii ay jamaahiirtooda ka geysteen garoonka Old Trafford.”