Taageerayaasha ARSENAL Oo Ku Taliyey In Tababare Wenger Is Casilo.

0

arsenalLondon (AGGM): Tababare Arsene Wenger ayaa ka hadlay sida uu dareemayo xanuunka guuldarada kulankii xalay ay guuldarada 1-0 ka soo gaartay Blackburn Rovers islamarkaana ay uga hareen koobka FA Cup.

Taageerayaasha kooxda Arsenal ayaana ciyaarta ka dib ku baaqayay inuu shaqada isaga tago Wenger oo Arsenal soo hayay muddo 16 sanadood ah, islamarkaana kooxda Gunners aysan wax koob ah ku guuleysan muddo 8 sanno ku dhow.

“Bilowgii ciyaarta 11 ciyaaryahan heer caalami ah ayaa garoonka inoogu jiray. Kubad inteeda badan waan heysanay, Blackburn si fiican ayay u difaacatay. Waxaan goolka ku harqinay 16 darbo, kaliya iyaga waxa ay heleen hal darbo” ayuu yiri.

“Waxaan sameynay qalad weyn goolka ay inaga dhaliyeen, inaan ciyaarta badinana kuma aanan fiicneyn, waa wax sidaas u fudud.

“Ma jirto guuldarro la aqbali karo. Waxaad shaqadan ugu jirtaa inaad badiso kulan kasta”

Arsenal ayaa haatan wajihi doonta suurtogalnimada ay xilli ciyaareedkii 8aad ku dhameystaan koob la’aan, hadii aysan ka sii muuqan Champions League oo habeenka talaadada ay wajiji doonaan Bayern Munich.

Taageerayaasha marti loo ahaa kulankii shalayto ayaana soo bandhigay sida ay uga careysan yihiin natiijada kooxda, iyagoo ciyaarta marka ay dhamaatay ku ooriyay tababare Wenger iyo ciyaartoydiisa.

“Ma dooneysid in taageerayaashaada ay faraxsanaadaan marka gurigaaga ay kaaga badiso Blackburn oo hal fursad kaliya heshay” ayuu yiri Wenger.

“Waa wax aad u xanuun badan, waana wax laag xumaado in ciyaar sidaasi la inoogala badiyo. Waxa muhimka ah ayaa ah inaan hada diirada saarno kulanka soo socda.

Wenger ayaa hadalkiisa raaciyay: “Xilli ciyaareedkan ma uusan dhamaan. Malaha dhankiina waa ka dhamaaday, laakiin aniga dhankeyga kama dhamaan.

“Hadii aan niyadjab dareeno gabi ahaanba qalad ayay inagu ahaan laheyd. Kulan weyn ayaa ina sugaya habeenka talaadada, waana inaan soo bandhigno inaan jawaab ka heli karno kooxda.”

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com