Xulka ugu yar aduunka oo Mar kale ka adkaaday Xulka Qaranka Soomaaliya

Xulalka Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan ayaa galabta cayaaray kulan ka tirsan Koobka CHAN 2017-ka, ciyaartaasi oo aheyd mid xiiso badan oo labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar wanaagsan.

Ciyaartan ayaa waxa ay ka tirsaneyd is reeb reebka CHAN Cup 2017-ka, waxayna ku ciyaareen Garoonka Jubba Stadium ee Magaalada Jubba ee dalka South Sudan.

Guud ahaan Soomaaliya ayaa ka soo hartay Tartankan CHAN Cup, kadib markii lagu garaacay 2 iyo 0 oo ay guusha ku raacday kooxda Koonfurta Suudaan.

22-April 2017 ayay aheyd markii ugu horeysay Taariikhda ay wada ciyaareen Xulalka Soomaaliya iyo South Sudan, iyagoo ku ciyaaray Garoonka xero kubbad ee dalka Jabuuti, xili uu kulankaas ku soo dhamaaday 2-1 oo ay guusha ku raacday xulka dunida ugu yar ee Koonfurta Suudaan, waxaana Tartankan ay wadar ahaan uga soo hartay 4-1.

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa goolkaas ugu mahad celinaysa hoggamiyaha kooxda Dekedda Cabaas Amiin Maxamed, isagoo qeyb ka ah xirfadlayaasha ugu wanaagsan ee xulka Qaranka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

SAWIRRO : Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo heshay doon dheereysa oo lagu ilaalinayo socdaalka Xuduudaha badda.
- Nov 17, 2017
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa maanta la wareegtey doon nooca dheereysa ah oo lagu ...
WARBIXIN +SAWIRRO : Mugabe oo fagaaro kasoo muuqday ‘isaga oo mayal adag’
- Nov 17, 2017
Madaxweynaha wali xilka ka raaraca ee Zimbabwe Robert Mugabe ayaa markii ugu horeysay kasoo ...
DHAGEYSO : Wararkii ugu danbeeyay ee Rabshadihii Ka dhacay Hargeysa & burco.
- Nov 17, 2017
Rabshado kala duwan ayaa xalay ka dhacay magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo kuwaas oo ...
Qaramada Midoobay Iyo Soomaaliya Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed
- Nov 17, 2017
Dowladda Soomaliya iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan  dhinaca c aruurta ee UNICEF ayaa ...
Puntland oo Beesha Caalamka ka dalbatay in laga taageero dagaalka Daacish
- Nov 17, 2017
Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays “Dhado” ayaa ka hadlay howlgallada ciidamada Maamulka Puntland ...