Dhageyso:-Faah faahinno ka soo baxaya qarax Saakay ka dhacay Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Miino oo Saakay Aroortii ka dhacay Waddada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegay in lala eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda, xilli ay marayeen inta u dhaxeysa Warshadda Taraqa iyo Sigaarka iyo Isgoyska Shiirkole ee Magalaada Muqdisho

Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac, balse aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay.

Waxaana uu tilmaamay in Ciidamadu muddo kooban hakad ay galiyeen dhaq dhaqaaqii Waddda, inkastoo marke dambe ay dib u fureen Wadddaasi.

Halkaan hoose ka dhageso Codka.