Barcelona Oo Racfaan Ka Qaadaneysa Casaankii Jordi Alba.

0

Barcelona ayaa ku dhawaaqday inay racfaan ka qaadaneyso casaankii uu qaatay Jordi Alba kulankii La Liga ee ay guuldarada 3-2 isbuucaan ka soo gaartay Valencia ee ka dhacday ee Camp Nou.

Xiddiga reer Spain ayaa jaalihiisa labaad la siiyay daqiiqadii 77aad ka dib markii uu ay isku dhaceen Sofiane Feghouli, isagoo hore u qabay jaale daqiiqadii 51aad

Kooxda Catalans ka dhisan ayaa dareensan in casaanka la siiyay 24 jirkaan inay tahay mid adag, waxaana ay doorteen inay racfaan qaataan.

“Barcelona waxa ay racfaan ka qaadan doontaa casaankii la siiyay Jordi Alba” ayaa lagu yiri warbixin la soo dhigay website-ka Barcelona.

Casaankii la siiyay Alba ayaa ahaa midkii ugu horeysay ee la siiyo ciyaaryahan Barcelona ah tan iyo kulankii sannadkii hore ee El Clasico, waxaana soo martay 52 kulan oo aysan casaan qaadanin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com