Xibsiyadda Mucaaridka Somaliland ee Wadani Iyo UCID ayaa Maanta ka hadlay Go’aankii kasoo baxay Ergadii dhex dhexaadinta ka dhexwaday Madaxwayne Muuse Biixi iyo Xisbigiisa iyo Labada Xisbi ee Wadani iyo UCID.
Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro Gudoomiyaha Xisbiga ayaa sheegay inay Aqbalayaan Go’aanka Ergadii ay Kalsoonida Siiyeen, Maadama aan Ergo la diran, Hadii aad dirtana aan diidin go’aanka ay kasoo saaraan. “ Maanta Ninkii Gardiidka ahaa maanta haku darsado Ergo-diid.”.
Dhinaca kale C.raxmaan Cirro ayaa Akhriyey Go’aano ay si wadajir ah usoo saareen Labada Xisbi.
Arimaha ugu miisaanka culus ee Gudiga dhexdhexaadintu soo saareen waxaa ku jirtay in meesha laga saaro Gudigii doorashooyinka ee Muuse Biixi uu dhowaan dhaariyey, islamarkaana lasoo celiyo Gudigii hore ee Doorashooyinka.