DAAWO:-Xisbiyadda Mucaaridka oo Aqbalay Go’aankii Gudiga dhex-dhexaadinta iyo Cirro oo u hadlay

0

Xibsiyadda Mucaaridka Somaliland ee Wadani Iyo UCID ayaa Maanta ka hadlay Go’aankii kasoo baxay Ergadii dhex dhexaadinta ka dhexwaday Madaxwayne Muuse Biixi iyo Xisbigiisa  iyo  Labada Xisbi ee Wadani iyo UCID.

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro Gudoomiyaha Xisbiga  ayaa sheegay inay Aqbalayaan Go’aanka Ergadii ay Kalsoonida Siiyeen,   Maadama aan Ergo la diran, Hadii aad dirtana aan  diidin go’aanka ay kasoo saaraan. “ Maanta  Ninkii Gardiidka ahaa  maanta haku darsado Ergo-diid.”.

Dhinaca kale C.raxmaan Cirro ayaa Akhriyey  Go’aano ay si wadajir ah usoo saareen Labada Xisbi.

Arimaha ugu miisaanka culus ee Gudiga dhexdhexaadintu soo saareen waxaa ku jirtay in meesha laga saaro Gudigii doorashooyinka ee Muuse Biixi uu dhowaan dhaariyey, islamarkaana lasoo celiyo Gudigii hore ee Doorashooyinka.