AKHRISO:- Diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay oo ku degtay degaan ay Maamulaan Alshabaab

0

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay oo ka soo duushay Magaalada ee Xarunta gobolka Hiiraan Beledweyne, kuna sii jeedday degmada Wisil ee gobolka Mudug , ay ku degtay deegaan nawaaxyiga degaanka Ximdheere oo ay maamulaan AlShabaab.

Dayaaradda oo nooceedu uu ahaa Helikobtar, kuna duulaysay magaca UNSOS, ayaa la xaqiijiyay wasiirka in cillad ay qabsatay, ayna degdeg u fariisatay deegaan hoos yimaada Xiindheere oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Sidoo kale warar ayaa sheegaya in diyaaradau ay saarnaayeen 7 qof oo Somaali iyo Ajnabi ka kooban iyadoo dhamaan dadkii saaranaa diyaadrada ay u gacan galeen Alshabaab xaaladoodana kama oga .

Warar ayaa sheegaya in dyaaradu ay siday daawo iyo saanad ciidan inkastoo illaa hadda aysan dawlada Soomaaliya aysan ka hadlin xaaada diyaaradaas iyo dadkii saarnaa.