Madaxweye ku xigeenka Maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa waxaa uu ka tacsiyadeeyay dilkii taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Mocow,kaas oo ku geeriyooday dagaalkii ka dhacay deegaanka Kalabeyr.
Guudlaawe ayaa odayaasha dhaqanka Hiiraan, bulshada qeybaheeda kala duwan ugu baaqay in ay u istaagaan amaanka gobolka ee Hiiran ee bartamaha soomaaliya
Sidoo kale waxaa uu mar ku bixiyay Cali Guudlaawe in gacanta lagu soo dhigo dadkii ku lugta lahaa dilkii taliyihii qeybta booliska Hiiraan Maxmed Macow si loo horkeeno cadaaladda.
Taliyihii qeybta booliska Gobalka Hiiraan ayaa waxaa la sheegay inuu ku geeriyooday dagaalkii deegaanka Kalabeyr ku dhexmaray Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle iyo kuwo daacad u ah Yuusuf Dabageed.