Cali Guudlaawe oo Amar ku bixiyay in la soo qabto dadkii dilay Taliye Mocow

0

Madaxweye ku xigeenka Maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa waxaa uu ka tacsiyadeeyay dilkii taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan  Gaashaanle Dhexe Maxamed Mocow,kaas oo ku geeriyooday dagaalkii ka dhacay deegaanka Kalabeyr.

Guudlaawe ayaa odayaasha dhaqanka Hiiraan, bulshada qeybaheeda kala duwan  ugu baaqay in ay u istaagaan amaanka gobolka ee Hiiran ee  bartamaha soomaaliya

Sidoo kale waxaa uu mar ku bixiyay  Cali Guudlaawe in gacanta lagu soo dhigo   dadkii ku lugta lahaa  dilkii taliyihii qeybta booliska Hiiraan Maxmed Macow  si loo horkeeno cadaaladda.

Taliyihii qeybta booliska Gobalka Hiiraan ayaa waxaa la sheegay inuu ku geeriyooday dagaalkii deegaanka Kalabeyr ku dhexmaray Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle iyo kuwo daacad u ah Yuusuf Dabageed.