Ciidanka Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya iyo Afar nin oo ka tirsan ururka dagaal yahanada Al-shabaab ayaa iska hor imaad ku dhexmaray Isgoyska Carafaad ee ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada muqdisho.
Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa ka war helay in agagaarka Isgoyska Carafaad ay ku sugan yihiin Afar nin oo Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo watay Bastoolado iyo Bambooyinka gacanta laga tuuro, sida saraakiisha ay warbaahinta u sheegeen kuwaasi oo damacsanaa in ay weerar geystaan.
Comments are closed.