Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa Maanta lagu qabtay doorashada Kursi ka banaanaa Golaha shacabka Soomaaliya kaas oo uu ka geeriyooday Allaha U Naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin.
Doorashada ayaa waxaa ku tartamay saddex Musharax kuwaas oo kala ahaa Cabdullaahi Faarax wehliye oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cilmi Afrax ( Mideeye) iyo Cabdulle Faarax Xersi.
Tirinta codadka markii ay soo gaba gaboowday ayaa waxaa natiijada ku dhawaaqday guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorshooyinka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey)
Maxamed Cilmi Afrax ( Mideeye) ayaa helay 17 Cod Cabdullaahi Faarax wehliye ayaa helay 28 Cod Cabdulle Faarax Xersi ayaa helay 3 Cod,waxaana halaabay 3 Cod sidaasina waxaa doorashadii ku guuleystay in uu Xildhibaan Golaha Shacabka ka mid noqdo Cabdullaahi Faarax wehliye oo hadda ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.