Kursi ka Banaana Golaha shacabka oo lagu guulaystay Doorashadiisa

0

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa Maanta lagu qabtay doorashada Kursi ka banaanaa Golaha shacabka Soomaaliya kaas oo uu ka geeriyooday  Allaha U Naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin.

Doorashada  ayaa waxaa ku tartamay saddex Musharax kuwaas oo kala ahaa  Cabdullaahi Faarax wehliye oo ah Wasiiru  dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cilmi Afrax ( Mideeye) iyo Cabdulle Faarax  Xersi.

Tirinta codadka markii ay soo gaba gaboowday ayaa waxaa natiijada ku dhawaaqday guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorshooyinka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey)

Maxamed Cilmi Afrax ( Mideeye) ayaa helay 17  Cod Cabdullaahi Faarax wehliye  ayaa helay 28  Cod Cabdulle Faarax  Xersi ayaa helay 3 Cod,waxaana  halaabay 3 Cod sidaasina waxaa doorashadii ku guuleystay in uu Xildhibaan Golaha Shacabka ka mid noqdo Cabdullaahi Faarax wehliye   oo hadda ah Wasiiru  dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.