TOP NEWS:-Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay Sharci Muhiim ah

0

Kulankii 19 aad oo qeyb ka ah Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayey maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedka Dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Masuqmaasuqa oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaalada Xukuumadda Soomaaliya.

141 Mudane ayaa ogolaaday Sharcigani, mana jirin wax diiday iyo wax ka aamusay, sida uu ku dhawaaqay Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Intaasi ka dib Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka uga mahadceliyay meel marinta sharciga Dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Masuqmaasuqa.

Waxaana uu sheegay in sharcigan uu yahay mid muhiim ah, islamarkaana uu wax badan ka qaban doono Masuqmaasuqa baahsan ee ka jira Dalka.

Ugu dambeyn Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maanta sidoo kale meel mariyay Xisaab xirka Miisaaniyadda Sanadihii 2015 iyo 2016.