TOP NEWS:-Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay Sharci Muhiim ah

Kulankii 19 aad oo qeyb ka ah Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayey maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedka Dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Masuqmaasuqa oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaalada Xukuumadda Soomaaliya.

141 Mudane ayaa ogolaaday Sharcigani, mana jirin wax diiday iyo wax ka aamusay, sida uu ku dhawaaqay Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Intaasi ka dib Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka uga mahadceliyay meel marinta sharciga Dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Masuqmaasuqa.

Waxaana uu sheegay in sharcigan uu yahay mid muhiim ah, islamarkaana uu wax badan ka qaban doono Masuqmaasuqa baahsan ee ka jira Dalka.

Ugu dambeyn Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maanta sidoo kale meel mariyay Xisaab xirka Miisaaniyadda Sanadihii 2015 iyo 2016.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

DHAGEYSO : Afhayeenka Wasaaradda Amniga oo Ka hadlay Qarax ka dhacay Muqdisho.
- Jan 16, 2018
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa Warbaahinta faah faahin ka siiyay qarax Barqanimadii Maanta ka ...
Madaxweyne Farmaajo Oo Gaaray Dhuusa Mareeb
- Jan 16, 2018
Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee ...
SAWIRRO : Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Oo Lagu Soo Dhaweeyay Dhuusa Mareeb
- Jan 16, 2018
Magaalada dhuusa Mareeb ee gobolka Galgaduud waxaa goordhow gaaray wefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowlad ...
Akhri Qoraal : Shirkadda Korontada Boosaso oo Lagu eedeeyay iney Dagaal kula Jirto Shirkadda Golis +XOG
- Jan 16, 2018
Wakaaladda Xoogga korontada Umadda ee Eeneeye Boosaaso ayaa ka jawaabtay cabasho kasoo baxday Shirkadda ...
TOP NEWS:-Madaxweyne Gaas Oo Loo Diiday In Uu Ka Dhoofo Gaalkacyo
- Jan 16, 2018
Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/weli Maxamed Cali “Gaas” ayaa la sheegay in is hor ...