Waxaa saacadaha soo socda Lagu wadaa In Magaalada Cadaado ee Caasimada Kmg-ga Maamulka Galmudug in uu Gaaro wasiirka wasaarada arimaha Gudaha ee dowlada soomaliya C/raxmaan Maxamed xuseen Odowaa
Ujeedka safarka wasiirka wasaarada arimaha Gudaha ee dowlada soomaliya C/raxmaan Maxamed xuseen Odowaa Ayaa lagu sheegay in wasiirka uu Goob joog ku Noqon doono heshiis dhaxmari doona maamulada ahlusuna waljameeca iyo Maamulka Galmudug
Sidoo kale waxaa la sheegay in Maamulka ahlusuna ay xubno ka heli doonaan Golaha wasiirada dowlada Goboleedka Galmudug oo Maalmaha soo socda la shaacin doono
Halkaan ka dhageyso war ku aadan arintaas ay so Dirtay wariye deeqo Jiinow