TOP DHAGEYSO : Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya C/rixmaan Odawaa Oo Maanta Ku Wajaha Cadaado+SABAB?.

0

Waxaa saacadaha soo socda Lagu wadaa In Magaalada Cadaado ee Caasimada Kmg-ga Maamulka Galmudug in uu Gaaro wasiirka wasaarada arimaha  Gudaha ee dowlada soomaliya C/raxmaan Maxamed xuseen Odowaa

Ujeedka safarka wasiirka  wasaarada arimaha Gudaha ee dowlada soomaliya C/raxmaan Maxamed xuseen Odowaa Ayaa lagu sheegay in wasiirka uu Goob joog ku Noqon doono heshiis dhaxmari doona maamulada ahlusuna waljameeca iyo Maamulka  Galmudug

Sidoo kale waxaa la sheegay in Maamulka ahlusuna  ay xubno ka heli  doonaan Golaha wasiirada dowlada Goboleedka Galmudug oo Maalmaha soo socda la shaacin doono

Halkaan ka dhageyso war ku aadan arintaas ay so Dirtay wariye deeqo Jiinow