AKHRISO:- Iiraan oo Israa’iil iyo Maraykanka ku eedeysay qarax ay ku dhinteen dad gaaraya 100 qof

0

Ku dhowaad 100 qof ayaa ku geeriyooday laba qarax oo bambaano ah oo ka dhacay dalka Iiraan, xili ay socotay xaflad lagu maamuusayay sanad guuradii afaraad ee ka soo wareegatay dilkii Jeneraal Qasem Suleimani oo Mareykanku dilay, sida laga soo xigtay warbaahinta Iiraan.

Tiro dad ah ayaa sidoo kale ku dhaawcmay qaraxaas oo ka dhacay meel u dhow masjidka Saheb al-Zaman oo ku yaala magaalada Kerman ee dalka Iiraan.

Iiraan ayaa Israa’iil iyo Mareykanka ku eedeysay inay ka dambeeyaan qaraxaasi, ha yeeshee, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku gacan seyray edeynta ku lug lahaanshaha Mareykanka ee qaraxaasi, arrintaas oo uu ku tilmaamay wax lagu qoslo, isagoo dhanka kalena sheegay inaysan jirin wax muujinaya in Israa’iil ay mas’uul ka tahay weeraradaas.

Qaasim Sulaymaani wuxuu caan ka ahaa gudaha dalalka Iran, Ciraaq, Lubnaan, Suuriya iyo Yemen oo ah dalal ay ku nool yihiin dadka heysta madhabta shiicada, waxaana aad u xurmeyn jiray hogaamiyeyaasha dalka Iran iyo dadka shiicada.

Ciidanka uu madaxda ka ahaa ee Qudus waxay ahaayeen ciidamo qaabilsan hawlgalada dibadda, gaar ahaan dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Yemen, waxayna si toos ah uga mar qaataan hogaamiyaha Iran.