AKHRISO:- Dawlada Soomaaliya oo Hubka ka mamnuucday Garoonka Stadium Muqdisho

0

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumdda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu yirii:-wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Xukuumdda Federaalka Soomaaliya waxay ammaan iyo bogaadin u soo jeedinaysaa taageerayaasha kala duwan ee ciyaaraha dowladd goboleedayda iyo gobolka Banaadir sida ay ula shaqeeyeen laamaha ammaanka iyo habmaamuuska ee wasaaraddu u xilsaartay.

Intii ay ciyaarahu socdeen waxaa soo baxay arrimo dib u u qiimayn u baahan oo wasaaraddu ku baraarugtay o halis gelin lara bedqabka ciyaaryahanada, masuuliyiinta dowladda iyo taageerayaasha garoonka jooga.

Hadaba si looga fogaado nugeylka bedqabka tobanaanka kun ee garoonka jooga waxay wasaaradda soo saaraysaa go’aamadan:-

1:-Waxaa gudaha garoonka laga mamnuucay ilaalada hubka wadata ee farah badan oo abuuray caqabado xagga ammaanka ah.

2:-Waxay wasaaradda diyaarsiay ciidamo ammaan oo ku filan ilaalinta masuuliyiinta garoonka imaanaysa.

3:-Ciidanka iyo habka waxaa lagu soo reebayaa goobo loo cayimay oo ku yaala afaafka hore eegaroonka.

4:Waxaa ammaanka garoonka iyo nawaaxigiisa masuul ka ah hay’adaha amniga ee gobolka Banaadir.

5:-Sidoo kale wasaaraddu wax ay u fududeyneysaa taageerayaasha tikidhada garoonka in laga heli karo dhamaan degmooyinka gobolka Banaadir.