AKHRISO:- Shir laga yeeshay Amniga Magaalada Muqdisho

0

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Amniga Gudaha ee XFS, Maxamed Cali Xagaa, ayaa shir gudoomiyay shirka Hay’adaha Amniga oo lagu qabtay Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeybgalay Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, Gudoomiye ku Xigeenka Amniga ee Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Boliiska iyo Nisa, Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Guutooyinka Ciidanka Polizia Militare, Taliyeyaasha Qeybaha iyo Saldhigyada Caasimada ee Boliiska iyo Nisa.

Ujeedada kulanka ayaa aheyd, in wax la iska weydiiyo xaaladaha amaan ee Caasimada sanadkaan 2023 ee sii dhamaanaya iyo qorshaha sugida iyo adkeyn amniga iyo xasiloonida ee sanadka soo socda 2024.

Sidoo kale, waxaa la isweydiiyay saraakiishana laga dhageystay caqabadahii iyo casharadii laga bartay sanadkaan iyo sidii loo hagaajin lahaa amniga guud ee dalka gaar ahaan kan caasimada.

Waxaa la bogaadiyay dadaalka saraakiisha iyo maamulka ee isbadalka amaan wanaagsan oo ka jira caasimada iyo sidoo loo hormarin lahaa.