AKHRISO:- Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqayo

0

In ka badan 60 xubnood oo ka mid noqonaya Baarlamaanka Cusub ee Puntland Sida Warbaahinta Allgalgaduud ay u xaqiijiyeen Ilo wareedyo ku sugan Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha harsan qaarkood lagu dhawaaqi doono saacado yar kadib loona gudbin doono guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada.

Didoo kale 17-ka xildhibaan ee laga soo doorto SSC-khaatumo ayaa dhammaantood la soo xulay waxaana loo gudbiyay guddiga xallinta Khilaafaadka sida ay wararkuay sheegayaan.

Guddiga xalinta khilaafaadka Puntland ayaa shaaciyay in hal maalin lagu daray soo gudbinta araajida xildhibaannada kuna ekeyd shalay oo taariikhdu ay ahayad 26 Desember maanta waxaa la filayaa in lagu Dhawaaqo .