AKHRISO:- Dayactir lagu bilaabay Buundooyinka burburay ee Magaalooyinka goboka Hiiraan

0

Shacabaka ku nool magaalooyinka Baledweyne, Buulaburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa bilaabay iney si isxilqaan ah ku dayactiraan goobaha ay sida weyn u waxyeeleysay fatahaadii wabiga Shabeelle uu dhawaan ka geystay magaalooyinkaas.

Goobaha ugu daran ee fatahaadii waxyeeleysay ayaa waxaa ka mid Buundooyinka ku yaala sadaxdaan magaalo iyo wadooyinka waa weyn.

Goobaha dayactirka helay ayaa waxaa ka mid ah Buundooyinka Nuur Xawaad iyo Buundaweyn oo ku yaala Baledweyne iyo Buunadada degmada Buulaburte, iyadoo buunadada degmada Jalalaqsi aysan wali helin dayactir taasoo laga cabsi qabo iney go’do.

Buunadada loo yaqaano Buundaweyn oo ah Buundo istaraatiiji u ah isku socodka xaafadaha Baledweyne ayaa dhalinyaro is xilqaamtay ku sameeyeen dayactir sababay in Buunadada mudo 24 saacadood ah aysan isticmaalin wax gaadiid ah.

Ururka Dhalinyarada iyo horumarinta Baledweyne ee Isxilqaam ayaa lahaa abaabulka in dayactir lagu sameeyo Buundada loo yaqaano Buundaweyn oo biyahii fatahaadu saameyeen dhismaheeda.

Buundadad degmada Buulaburte ayaa ka mid ah meelaha fatahaadii waxyeelaysay waxaana dayactir ku sameeyay Buundadaas oo isku xirta gobolada Waqooyi iyo kuwa Koonfureed ee dalka qeybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan degmadaas oo isku xilqaamay iney hagaajistaan Buundada oo dhaawac u culus horay uga soo gaaray qarax Ismiidaamin ahaa oo Al-shabaab ay ku dooneysay iney ku burburiso Buunadada sanadkii lasoo dhaafay ee 2022.