AKHRISO:- Ururka Xisbullaah oo si adag uga hadlay sarkaal sare oo u dhashay Iran oo duqeyn lagu dilay

0

Ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dilka Radhi Mousavi, oo ahaa lataliye sare kana tirsanaa Ilaalada Kacaanka Iran, “uu ahaa weerar cad xishood la’aan iyo xad gudub.

Bayaanka ayaa intaa ku daray in Radhi Mousavi uu ahaa “mid ka mid ah walaalaha ugu wanaagsan ee ka shaqeeyay in ay taageeraan iska caabinta Islaamiga ah ee Lubnaan muddo tobanaan sano ah.”.

Mousavi, oo ahaa lataliye sare oo ka tirsanaa Ilaalada Kacaanka Iran, ayaa Isniintii lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo la rumeysan yahay in Israa’iil ay gaysatay, kaasoo ka dhacay meel ka baxsan caasimadda Suuriya ee Dimishiq.

Xisbullaah iyo ciidamada Israa’iil ayaa maalin walba is weydaarsada duqeymaha tan iyo markii uu bilowday dagaalka Qasa.