AKHRISO:- Madaale oo ka qayb galay ka qeybgalay xuska sanad guurada Waaxda Gurmadka Deg-Degga

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda xuska sanad guurada 11-aad ee dib u aas-aasida Waaxda Gurmadka Deg-Degga ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Waaxdaan oo laf dhabar u ah adeegyada Dowladda Hoose ay u heyso Bulshada Gobolka Banaadir ayaa waxaa dib loo aas-aasay sanadkii 2012-kii, iyadoona Howlwadeenada waaxdaan ay gurmad naf hurnimo ah u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed, haba ugu darnaato xilliyada ay kacaan dababka.

Duqa Magaalada Muqdisho oo munaasabadda ka hadlay ayaa aad ugu dheeraaday dadaalada Naf-hurnimo oo ay howlwadeenada Waaxda Gurmadka Deg-degga ay sameeyaan, asigoona xusay in Maamulka Gobolka ay ka go’an tahay tayeynta iyo ka warqabka Howlwadeenada waaxda, maadaama ee yihiin kuwa ka shaqeeya shaqada ugu adag ee lagu bad-baadiyo Nafta iyo Maalka Shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha waaxda Gurmadka Deg-degga Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar Mudane Cabdiqani Maxamed Axmed, qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Howlwadeenada Waaxda Gurmadka Deg-degga.