AKHRISO:- Taliska Ciidanka Dhulka oo ka hadlay dagaal ka dhacay Mudug

0

Taliska Ciidanka Dhulka ayaa ka hadlay dagaal xooggan oo shalay ka dhacay deegaanka Caad, kaasi oo u dhexeeyay Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo dagaalamayaasha AL-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle, oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Caad lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan AL-Shabaab islamarkaana looga furtay hub.

“Ciidanka waxay weerar ku qaadeen fariisimo ay lahaayeen kooxda al-shabaab, kaas oo saacado badan socday, waxaa lagu gaarsiiyay jab xoog leh, waxaan la burburiyay saldhigyo badan ay ku lahaayeen soonaha Caad”. ayuu yiri Gen. Dayax Cabdi Cabdulle.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in dagaalkii maalin ka hor ka dhacay deegaanka Baraag iyo meel Caad u jirto 10 KM khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, iyadoo la burburiyay saldhigyo halkaas ay ku lahaayeen, waxaana laga furtay hub, sidaasi waxaa sheegay Taliyaha Ciidanka Dhulka.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa warsaxaafadeed shalay ka soo baxay ku sheegtay in howgalladii ugu dambeeyay dagaalamaayasha AL-Shabaab looga dilay 130 dagaalame, loogana lagu furtay hub, iyadoo laga burburiyay qalab iyo goobo ay ku sugnaayeen.