AKHRISO:- Qoysas ku go’doon sanaa degaanno ka tirsan Jubland oo la soo badbaadiyay

0

Qoysas Haween iyo Caruur u badan oo muddo laba maalmood ah ku go’doonsanaa fatahaad saameysay n hoos taga degmada Jamaame ayeay ciidamada Jubaland soo badbaadiyeen.

Xubno isugu jira Xildhibaano heer Federaal ah, Wasiiro ka tirsan Jubbaland, siyaasiyiin, Lataliyaal sare aqoo

nyahano iyo masuuliyiin kale ayaa socdaal ku tagay degaanada waqooyi ee gobolka Jubada hoose gaar ahaan deegaanada hoos taga degmada Jamaame oo ay qoysas badan ku go’doonsanaayeen.

Ciidamada oo isticmaalaya doonyo iyo qalab kale ayaa deegaanada ay sida daran u saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha ka soo badbaadiyey qoysas la arkay iyagoo go’doon kujira ka dib markii ay qabatay Camerada Dronka ah oo lagu baadi goobayay dad badan oo lala yahay maadama dhulku howd yahay biyo badana ay fadhiyaan.

Saraakiisha qeybaha kala duwan ee Ciidamada Jubbaland ayaa door weyn ka qaatay samata bixinta dadka danyarta ah ee go’doonka ku jiray.