AKHRISO:- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo Maamulka G. Banaadir ku wareejisay shixnad gargaar ah

0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa maanta Maamulka Gobolka Banaadir ku wareejisay shixnad gargaar ah oo dhan 3,800 oo Tan oo u dhiganta 150 kun oo Qoys kuwaas oo loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka ay sameyeen fatahaadaha iyo daadadka El-Niño ee ku nool Muqdisho iyo deeganada hoostaga.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa gargaarkaan ku wareejiyey Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan Maxamed, isaga oo balan qaaday in gargaarkaan dadkii u baahnaa ay gaarsiin donaan.