AKHRISO:- Ingiriiska oo Dowladda Somalia ugu yaboohay Lacag dhan 9 Million oo Dollar

0

Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta (FCDO) oo Dawladda UK u qaabilsan horumarinta dibadda ayaa Soomaaliya ugu yaboohay qaddar dhaqaale oo dhan $9 Million oo dollar oo lugu biirin doono mashruuca ADRiFi ee Bangiga Horumarinta Afrika kaasoo hay’adda SoDMA fuliye ka tahay.

Foreign Commonwealth and Development Office ayaa ballan-qaadkaan dhaqaale sameysay intii lugu guda jiray shirkii caalamiga ahaa ee lugu falanqeeynayay arrimaha is-beddalka cimilada – COP28 ee lagu qabtay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Tallaabadaan iyo deeqdaan dhaqaale ayaa gacan ka geysan doonta, maareynta musiibooyinka bani’aadannimo ee dalka oo ay abaarahu ugu horreeyaan muddo shan sano ah.

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay mas’uulka matalayay FCDO, dowladda iyo shacabka UK, sida hagar la’aanta leh oo ay u garabtaaganyihiin shacabka Soomaaliyeed.