AKHRISO:- Dad Maandooriye isticmaalayay oo Magaalada Nairobi lagu xiray

0

Sida ay baahisay warbaahinta dalka Kenya, shan iyo labaatan qof ayaa xabsiga loo taxaabay, 117 xabbo oo haamaha shiishadda ahna waxaa lagala wareegay iskaashatooyinka Shiishada ee xafadda Kilimani kadib howlgal ay sameeyeen saraakiil ka tirsan Hay’adda Qaranka u qaabilsan ololaha ka hortagga Khamriga iyo Maandooriyaha .

Maamulaha guud ee NACADA, Anthony Omerikwa ayaa hogaaminayay howlgalka ka dhacay Beerta lagu damaashaado ee Yejoka oo ku taal xaafadda Kilimani e magaalada nairobi, oo ah goob caan ah oo ay isticmaalaan dadka Shiishada isticmaala ee Nairobi.

Omerkiwa ayaa xusay in inkasta oo la mamnuucay Shiishada tan iyo 2017-kii, haddana isticmaalkeedu uu weli ku badan yahay dalka.