AKHRISO:- Ciidamada Dawlada oo Hawlgal kula wareegay Fariisimo Alshabaab ay ku lahaayeen gobolka Mudug

0

Wararka ka imaanaya Koofurta gobolka mudug ayaa sheegay in Ciidamada Dawlada kuwa Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya Ciidamada degaanka in Hawlgallo ay ka sameeyeen koofurta gobolka Mudug ay kula wareegeen Saldhigyo Alshabaab ay ku lahaayeen degaannada Koofurta gobolkaas.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galnudug Abshir Cabdi shiikhow ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Ciidamada dawlada kuwa Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya Ciidamada degaanka ay la wareegeen degaanka Baraak Ismaaciil oo muddo badan Alshabaab ay ku sugnaayeen .

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa sheegay in intii Hawgalka uu socday lagu dilay 20 Xubnood oo ka tirsan Alshabaab Hawlgalka weli uu socdo .

Ugu dambeeyntii Wasiir Abshir Cabdi Shiikhow ayaa sheegay in Hawlgaka uu sii socon donno illaa Alshabaab laga saarayo degaannada Koofurta gobolka Mudug.