AKHRISO:- Booliska Soomaaliya oo qabtay nin ay sheegeen in uu dil ka geystay Nairobi

0

Ciidanka Boliiska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay eedaysane baxsad ah oo dil kasoo gaystay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

War qoraal ah oo lagu daabacay bogga Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir ayaa lagu yiri” Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo gudanaya waajib ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xiray eedeysane baxsad ah laguna magacaabo Axmed Abdiraxmaan Abdullahi kuna eedeysan in uu dilay Marxuum Maxamed Xasan dilkaas oo ka dhacay Caasimadda Dalka Keyna ee Nairobi.

Waxayna hay’adaha amniga sheegeen in eedaysanaha la horgeyndoona Cadaalada.

Sidoo kale Taliska Ciidanka Booliska ayaa ka codsaday Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ku soo war geliyeen Hay’adaha Amaanka Falalka lidiga ku ah Amaanka si wax looga qabto kooxahaa Amnidarada ka geysanaya Magaalada Muqdisho iyo goblada dalka .