AKHRISO:- Dowladda oo faah-faahisay khasaaraha howlgal ka dhacay Jubbada Dhexe

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howlgal qorsheysan oo iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo Ciidamada Cirka ee Mareykanka, kaasi oo ka dhacay Gobolka Jubbada Dhexe ee Koonfurta Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay 10 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la tilmaamay in looga hortagay xubno isku urursanayay xadka u dhexeeya gobollada Jubbada Hoose.

“Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada Mareykanka oo iskaashanaya ayaa khidad aad loo qorsheeyay lagana taxadaray waxyeelada shacabka u adeegsaday hawlgalka, waxaana hawlgalka u fulay si guul ah” ayaa lagu yiri War kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Toddobaadkan gudihiisa ayaa waxaa hawlgal kale oo ka dhacay Gobolka Jubbada Dhexe lagu bartilmaameedsaday sarkaal kale oo ka tirsan, kaasi oo la sheegay inuu u qaabilsanaa abaabulka dagaalada.