AKHRISO:- Aas Qaran oo Muqdisho loogu sameeyay AUN Khadiijo Maxamed Diiriye

0

Waxaa qabuuro ku yaalla Isbitaalka xoogga dalka ee magaalada Muqdisho Aas Qaran loogu sameeyay Allaha u naxariistee Wasiirkii Wasaaradda Haweenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo ku geeriyootay dalka Jabuuti.

Meydka Marxuumad Khadiijo Diiriye oo laga keenay Jabuuti ayaa waxaa gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho lagula tukaday salaada Janaasada, waxaana ka qeyb galay madaxda ugu sarreeysa DFS, mas’uuliyiin iyo dadweyne badan.

Madaxda iyo dadweynaha ka qeyb galay salaada Janaasada iyo Aaska Marxuumada ayaa Alle uga baryay dhammaantood inuu u naxariisto Khadiijo, Samir iyo iimana kasiiyo qoyskii, Eheladii, qaraabadii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxday Khadiijo Diiriye.

Wasiiradii Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Khadiija Diiriye, ayaa shalay ku geeriyootay magaalada Jabuuti, kadib markii uu xanuun uu qabtay, xilli ay ka dageysay diyaarad tagtay Jabuuti, taasi oo ka ambabaxday Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Marxuumada ayaa in ka badan 20 sanno kamid aheyd mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya, waxaana haatan ay aheyd Wasiirada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.