AKHRISO:- Ciidanka Xoogga dalka oo la wareegay degaanno dhaca Koofurta Gobolka Mudug

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Galmudug ayaa saaka la wareegay deegaano dhaca Koonfurta Gobolka Mudug, sida sida ay sheegen Saraakiisha Ciidanka Xoogga.

deegaanada ay ciidamada la wareegayn ayaa kala ah Dhagaxdheer iyo Dahar-Cali xayloow kuwaas oo dhammaan hoostaga magaalada Caad.

Kadib Howlgallo xooggan maalmihii lasoo dhaafay ay wadeen Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayay ku suurtagashay inay la wareegaan degaanadaasi cusub, kuwaasi oo horay dagaalamayaasha AL-Shabaab aya gacanta ugu hayeen.

Degaanada ay saaka la wareegeen Ciidanka Xoogga ayaa dhaca Koonfurta Gobolka Mudug.

Saraakiisha Ciidamada oo la hadlay warbaahinta Qaran ayaa sheegay in wali uu socdo howlgalka islmarkaana ay Ciidamadu doonayaan inay gacanta ku dhigaan degaanno kale oo wali ku jira Gacanta dagaalamayaasha Al-shabaab.