AKHRISO:- Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal Qorsheysan ka fuliyay Gobolada Sh.Dhexe iyo Galgaduud

0

Ciidanka Xoogga dalka soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 24-aad ee Khaalid Binu Waliid ayaa sheegay in howgal bur burin ah ka sameeyay deegaano kala qaybiya gobolada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud.

Howlgalkaan oo ahaa mid qorshaysan ayeey Ciidanka Xoogga ku bur buriyeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahayd dhulka howdka ah gaar ahaan goob ay isku aruursanayeen, waxaana sidaasi sheegay saraakiisha Ciidanka Dowladda.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgalku uu ahaa mid guulaystay, sidoo kalena ay khasaare ku gaarsiiyeen dagaalamayaasha AL-Shabaab.

Ciidamada ayaa wali wada howlgalka, iyagoo doonaya in gabi ahaan dhulka ku teedsan xadka kala qaybiya gobolada Shabeelaha dhexe iyo Galgaduud ay la wareegaan.