AKHRISO:- Gabar baraha bulshada kusoo gudbin jirtay muqaalo anshax xumo ah oo lasoo xiray

0

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka oo gudanaya waajibkiisa ka saaran ilaalinta sharuucda dalka, ayaa soo xeray Bishaaro Idiris Maxamed oo maalmahii lasoo dhaafay baraha Bulshada ku baahineysay muuqaalo anshax xumo ah oo ay aad u dhibsadeen bulshada Soomaaliyeed.

Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa maanta horgeysay Maxkamadda gobolka Banaadir eedeysane Bishaaro Idiris oo ay soo xereen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaana lagu soo eedeeyay In ay ku xadgudubtay anshaxa iyo dhaqanka

Xafiiska Xeer ilaaliyaha, ayaa sheegay in uu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono cid walba oo lagu helo ayada oo sameyneysa wax lid ku ah dhaqanka iyo Anshaxa suuban.

Barasha bulshada ayaa ah meel ay ku kulmaan bulshada qeybaheeda kala duwan,Kuwaas oo siyaabo kala duwan u isticmalaan,Waxaana dowladda mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta Shacankeeda.