AKHRISO:- Xiisad ka taagan degaano ay ku dagaalameen laba Maleeshiyo Beeleed

0

Xiisad dagaal ayaa saaka markale waxaa ay ka taagan tahay degaanka Dararweyne oo hoostaga Magaalada Ceelafweyn ee Gobolka Sanaag, halkaas oo shalay ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed.

Dagaalkii shalay ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday ilaa 6 Ruux 11 kalena ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo isugu jira dadka degaanka iyo maleeshiyaadkii dagaalamay.

Saaka ayaa waxaa markale la sheegay in degaanka Dararweyne ay kajirto xiisad dagaal oo u dhaxeysa labada maleeshiyo Beeleed, kuwaas oo laga cabsi qabo inay markale dagaalamaan.

Goobjoogayaal ku sugan degaanka Dararweyne ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in dhinacyadii dagaalamay ay weli ku sugan yihiin degaanka, isla markaana ay helayaan gurmadyo kala duwan oo uga imaanaya degaannada kale ee Gobolka Sanaag.

Wararka kale aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in Gelinka dambe ee Maanta Somaliland ay Ciidamo farabadan geyneyso degaanka Dararweyne si ay u kala dhex-galaan labada maleeshiyo Beeleed ee dagaalamay, kuwaas oo weli ku sugan degaanka