AKHRISO:- Ugaas iyo Wiilkiisa oo ku geeriyooday qarax ka dhacay duleedka Magaalada Gaarisa

0

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu ka dhacay duleedka Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa qabsaday gaari rakaab ah oo ay saarnaayeen Dad Shacab ah, kaas oo kusii jeeday degaanka Kullan ee Magaalada Dhadhaab kana baxay Magaalada Gaarisa, waxaana inta la xaqiijiyay qaraxa ku dhintay Nin oday ahaa oo la sheegay in uu ahaa Ugaas iyoWiilkiisa, halka ay ku dhaawacmeen 5 Ruux.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Gaariga qaraxa qabsaday oo ay saarnaayeen 11 Ruux 5 kamid ah dhaawacooda uu culus yahay, isla markaana Dadka saarnaa ay doonayeen inay Maalinta berito ah ka qeyb galaan munaasabad Ugaas lagu caleemo saari lahaa oo ka dhici laheyd Magaalada Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari.

Saraakiil katirsan laamaha Amniga Dowladda Kenya ayaa gaaray Goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana ay sheegeen in ay wadaan baaritaano la xiriira qaraxa iyo soo qabashada dadkii ka dambeeyay.

Wararkii ugu dambeeyay ee Goobta qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Ammaanka Kenya ay Goobta ka qaadeen 5 Ruux oo qaraxa ku dhaawacmay, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka Magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari.

Degaano iyo degmooyin katirsan ee gobolka Waqooyi Bari ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca qaraxyo iyo weeraro toos ah oo lala beegsado Ciidamada Ammaanka Kenya, waxaana inta badan sheegta Ururka Al-Shabaab.