AKHRISO:- Senator Faroole oo Wadahal ugu baaqay Madaxweyne Deni & Mucaaradka Puntland

0

Madaxweynihii hore ee Puntland Senitor Cabdiraxmaan Faroole oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa ka hadlay Arrimaha doorashada 2024.

Senitor Cabdiraxmaan Faroole ayaa ugu horrayn uga mahadceliyay Madaxweyne Siciid Deni go’aankii uu kaga laabtay doorashadii lagu muransanaa ee qof iyo cod islamarkaana uu ku aqbalay doorasho ku dhacda hannaankii hore ee 66-da.

Sidoo kale Waxa uu sheegay in wada-hadal lagu dhammaynayo khilaafaadka weli jira ee dhinaca doorashada taas oo sida muuqata uu u muuqata muranka ka dhashay dhashay mudda kororsiga sanadka ah uu Baarlamanka Puntland samaystay.

Dhinaca kale Senitor Faroole ayaa bogaadiyay Odayaasha dhaqanka iyo dhammaan cid kasta oo door ka qaadatay Xal u helidda Khilaafkii doorashada Puntland ee 2024.

Hadalka ka soo baxay Senitor Cabdiraxmaan Faroole ayaa ku soo aadaya Xiili shalay uu gaaray Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland oo soo dhaweeyntiisa ay ka wada qayb galeen Madaxda Puntland iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah .