AKHRISO:- Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo gaaray Jalalaqsi

0

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin sufuroow oo aay wehliyaan masuuliyiin ka’tirsan maamulka Gobalka Hiiraan ayaa gaaray Degmadda Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan oo kamid ah meelaha aay sida daran u saameysay fatahaadaha ku dhuftay Gobalka Hiiraan.

Xubno ka tirsan labada gole ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeele ayaa sidoo kale safarka qeeyb ka ahaa midaas oo aay ku wehliyaan hay’addaha samafalka ee caalamiga si loogu Kuurgalo xaalada ka taagan Magaalada Jalalaqsi .

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin sufuroow waxuu wadaa Dadaaladii ugu Dambeeyey ee loogu guurgalayo laguna samatabixinayo guud ahaan xaaladaha ka taagan Degmooyinka Gobalka Hiiraan oo meelo badan oo kamid ah uu ku fatahay wabiga shabeelle.

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo gudiga Gurmadka fatahaadaha dowladda Hirshabelle ayaa wado Xaqiijinta iyo samatabixinta bulshada midaas oo Wajahayo xaalado culus oo daran.