AKHRISO:- Ra’iisal Wasaare Xamse oo soo dhaweeyay Go’aanka Cunuqabateeynta Hubka looga qaaday Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay uga qaaday Soomaaliya cunaqabteynta hubka oo saarnayd Soomaaliya ilaa 1992.

Ra’iisal Wasaare Xamse ayaa sheegay in Tani ay u sahlayso Dawlada in ay Hub casri ah soo Iibsato laguna qalabeeyo Ciidamada Dawlada si fudna daka ay uga saaran Alshabaab ayuu yiri,” Ra’iisal Wasaare Xamse

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraare Xamse Cabdi Barre oo la kulmay Culimada Soomaaliyeed ee magaalada Kismaayo, ayaa kala hadlay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin la dagaallanka iyo fikirka lagula dagaalamyo Alshabaab iyo dowlad wanaagga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa culimada uga warbixiyay waxqabadka Xukuumadda ee arrimaha la xiriira diinta iyo awqaafta sida ansixinta xeerarka Xajka, Sakada iyo dhisitaanka Golaha Culimada Soomaaliyeed.

Waxa uu ka codsaday in ay door muuqda ka qaataan dagaalka lagula jiro Alshabaab ee wajigiisa labaad uu dhawaan ka bilaaban doonno Jubaland iyo in bulshada ku dhaqan gobolka loo bidhaamiyo .

Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Mukhtaar Roobow, ayaa la isku dhaafsaday talooyin la xiriira dowlad-dhiska Soomaaliya.