AKHRISO:- Maxaa ka soo baxay kulan dhexmaray Wafdi ka socda QM & Mas’uuliyiin ka Tirsan Dawlada?

0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuummdda Soomaaliya Cali Cumar Balcad ayaa la kulmay Guddiga gaarka ah ee howlgalka Nabadaynta Qaramadda Midoobey (C34) oo Magaalada Muqdisho usoo gaaray si ay ula kulmaan Madaxda Dowlada Fadaraalka Soomaaliya iyo ATMIS.

Mas’uuliyiinta Dawlada Somaaliya ee kulanka ka qayb galay ayaa warbixin ka siisay wafdiga, horumarka laga gaaray la dagaalanka Alshabaab iyo doorka taageero ee muhiimka ah ee Ciidamada ATMIS iyo saaxiibada Soomaaliya ay ka geesteen Dagaalka xoreynta dalka.

Mas’uuliyiinta ayaa soo bandhigay dadaalada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qorshayaasha ku aadan horumarinta laamaha Amniga iyo la wareegidda amniga guud ee dalka.