AKHRISO:- Somaliland oo soo bandhigtay Ciidamo horleh oo dagaal la gala SSC Khaatuma

0

Somaliland ayaa Aaga degaanka Bukhdharkeyn ee Gobolka Sool oo ay kula dagaalameen Ciidamada SSC Khaatuma waxaa ay kusoo bandhigeen Ciidamo aad u farabadan oo katirsan Millateriga Somaliland.

Ciidamadaan ayaa waxaa kormeer ugu tegay Taliyaha Ciidamada Millateriga Somaliland Janeraal Nuux Ismaaciil taani, isaga oo saraakiisha kala hadlay sidii loo xaqiijin lahaa amniga Gobolka Sool.

Taliyaha Ciidamada hoggaanka Somaliland oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay kujiraan diyaar garowgii ugu dambeeyay, isla markaana ay noqon doonaan kuwo guuleysta.

Dhowr jeer ayaa waxaa aaga degaanka Bukhdharkeyn ee Gobolka Sool waxaa ku dagaalamay Ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatuma, iyada oo dagaaladaas ay guulo ka sheegteen Ciidamada SSC Khaatuma.