AKHRISO:- Ciidamada dowladda oo howlgal kudilay Xubno katirsan Al-Shabaab

0

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa degaanka ee loo yaqaano Macawiisle ayaa Howlgallo qorsheysan ka fuliyay degaano katirsan Bariga Gobolka Galgaduud.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday Xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Ceel Xasan Cali oo dhanka koofur Kaga beegaan Magaalada Budbud ee Bariga Gobolka Galgaduud.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada ay ku guuleysteen inay la wareegaan Xarumihii Al-Shabaab,isla markaana howlgalka lagu dilay lix kamid ah Al-Shabaab lagalana wareegay Saanad Ciidan oo aad u farabadan.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka ay weli howlgallo ka wadaan dhulka howdka ah ee degaannada Bariga Gobolka Galgaduud ee Galmudug, isla markaana howlgalka ay sii wadi doonaan.