AKHRISO:- Madaxweyne Xasan sheekh oo markale ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Alshabaab

0

Madaxweyne dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaaka war bixiyay dagaalka dowladiisa la gashay Al-shabaab iyo aragtidiisa ku aadan Mustaqbalka fog ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarunta Cilmi Baarista Amniga RUSI ee magaalada London, kaga qeybgalay kulan uu uga hadlay dagaalka dowladiisa ay kula jirto Al-shabaab ayaa shaaca ka qaaday in dowladda ay dajisay qorsheyaal cusub oo ka dhan ah kooxda.

” dowladdu waxay u dajisay siyaasad cad oo lagula diriraayo argagixisada taas oo ay saldhig u tahay in la qaado dagaal Saddex jiho ah oo kala ah Dagaal Military, Dagaal dhaqaale iyo Dagaal fikir ” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Xasan sheekh ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah Shabaab lagu xureeyay in ka badan 80 deegaan oo ay horay uga talin jireen Al-shabaab, islamarkaana dowladda federaalka ay gaarsiisay deegaanadaas adeegyadda aasaasiga ah sida waxbarasho bilaash ah, caafimaad iyo biyo.

Madaxweynaha sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda ee la wareegidda masuuiyadda amniga dalka iyo ka bixitaanka ciidamada ATMIS ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda ay dadaal xooggan galisay dib u dhiska ciidamada qaranka ayna ka go’antahay in waqtiga kooban dalka looga xureeyo kooxda Al-shabaab, islamarkaana ciidamada AMTIS ay dalka ka baxayaan dabayaaqada sanadka soo socda ee 2024.

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka ayaa saaxiibada caalamiga ee taageera dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya ka dalbaday iney laba jibaaraan dadaalkooda garab istagga Soomaaliya, isagoona sidoo kale ku amaanay shacabka Soomaaliyeed doorkooda ku aadan halganka dib u xoreynta oo uu tilmaamay inay aasaas u yihiin guulaha muuqda ee ciidamada qaranka kasoo hooyeen dib u xoreynta dalka.