AKHRISO:- Madaxweynaha Jubbaland oo faah faahiyay khasaaraha ka dhashay Roobka daadadka watay iyo fatahaadaha

0

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada Jubbaland oo si weyn looga hadlay saamaynta ay geysteen fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay roobka dayrta oo ka da’aya guud ahaan deegaanada Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay saameynta xooggan ee ka dhalatay daadadka iyo fatahaadaha ayaa sheegay in degmooyinka Luuq, Baardheere, Doolow, Buurdhuubo, Jamaame, Dhoobley iyo Ceelwaaq ay galeen xaalad aanan wanaagsanayn isla markaana ay kusoo rogmadeen daadad xoogan oo qaarkood dad ku dhinteen.

Mar uu Madaxweynaha Jubbaland ka hadlayay saameynta ka dhalatay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay Roobka ayuu sheegay in dad gaaraya 450,000 oo qoys uu saameeyay, halka dadka barakacay guud ahaan Jubbaland ay yihiin 90,000 oo qoys, waxaana hadda go’doonsan dad gaaraya 70,000 oo qoys kuwaas oo u baahan in waqtigan gargaar deg-deg ah lala gaaro.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in dad gaaraya 14 qof ay ku dhinteen fatahaadaha iyo daadadka soo rogmaday, degmada Garbahaarey ayuu Madaxweynuhu sheegay in 6 qof ay ku dhinteen, degmada Baardheere ayaa lasoo wariyey in 4 qof ay ku dhinteen daadadka halka degmada Ceelwaaq iyo gobolka Jubada dhexena ay ku dhinteen min 2 qof.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in ay jiraan baahiyo ba’an oo u baahan in si deg-deg ah wax looga qabto waxa uuna sheegay in lagama maarmaan ay tahay in degmooyinka xaaladaha daran ku jira in la gaarsiiyo Doomo, Cunto deg-deg ah, Daawo, Bustayaasha dhaxanta, Baco iyo Teendhooyin kuwaas oo muhiim u ah samata bixinta dadka go’doonka kujira.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa si loo dadajiyo gurmadka iyo gargaarka la gaarsiinayo degmooyinka ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadka waxa uu magacaabay guddi Wasiirro ka kooban kuwaas oo ka shaqayn doona sidii loo samata bixin lahaa dadka go’doonsan.

Ugu dambayn Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in xaaladda jirta awgeed loo baahan yahay in loo midoobo gurmadka dadka uu dhibku gaaray isagoo ugu baaqay Dowladda Federaalka ah iyo dhammaan dhinacyada kala duwan ee taageera Soomaaliya inay ka qeybgalaan gurmadka.