AKHRISO:- Ciidamada dowladda oo degaano kala wareegay Al-Shabaab

0

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed Qaybta 21aad oo gacan ka helaya Dadka degaanka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa la wareegay deegaanka Baraag Maxamed Daa’uud oo 16 KM u jira deegaanka Dabagalo ee Gobolka Mudug.

Howlgalka waxaa horkacaayey Taliyaha Qaybta 21aad Gaashaanle Sare Cabdi Salaad, Taliyihii hore ee Qaybta General Xasan Jaamici, waxaana ciidamada ay baritaano ka sameeyeen dhulka howdka ah ee deegaankaas.

Taliyaha wuxuu sheegay in xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee degaankaas ku sugnaa ay isaga tageen, isla markaana haatan ay daba joogaan, sidoo kalena ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa daraawiishta Galmudug iyo kuwa degaanka ee Macawiisleyda ayaa howlgallo xoogan waxaa ay ka wadaan degaano iyo degmooyin kuyaalla Koonfurta Gobolka Muudg, iyaga oo doonaya inay ka saaraan Al-Shabaab.