AKHRISO:- Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo xalay Wasiiro Magacaabay

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa soo saaray Wareegto ku taariikheysan 24, Oktoober, 2023, kuna saabsan magacaabis Wasiirro.

Madaxweynaha Hirshabeelle:

Markuu arkay: Qodobada 56aad iyo 57aad ee Dastuurka Hirshabeelle.

Markuu arkay: In ay lagama maarmaan tahay dardargelinya Shaqada baaxada leh ee Xukuumadda.

Markuu Tixgeliyay: Aqoonta, kartida iyo Waayo-aragnimada mudanayaasha loo Magacaabay Xilalka hoos ku xusan.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle.

WUXUU MADAXWEYNAHU SOO SAARAY XEERKAAN

Qodobka 1aad
1- Waxaa Mudane Abuukar Axmed Cali loo Magacaabay Xilka Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Hirshabeelle.

2- Waxaa Mudane Cabdixamiid Maxamed Cali loo Magacaabay Xilka Wasiirka Hub-ka Dhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Hirshabeelle.

3- Waxaa Mudane Cabdifitaax Jaamac Warsame loo Magacaabay Xilka Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Hirshabeelle.