AKHRISO:- Kulan looga hadlay Qorshaha Dagaalka xoreynta deeganada KGS oo qabsoomay

0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Soomaaliya Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kala hadlay waxgaradka, dubabka dhaqanka iyo Haweenka Gobolka Bakool qorshaha Qaran ee dagaalka Al-Shabaab iyo xoreynta deeganada Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen ayaa la wadaagay Odeyaasha iyo Haweenka sida ay uga go’an tahay in Dalka laga xoreeyo Al-Shabaab ee caqabadda ku ah nolasha iyo Horumarka Dadka Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku Wehlinayey Wasiirka Difaaca Dalka, Xildhibaano ka tirsan labadda Aqal ee BFS, Taliyaha xigeenka Ciidanka Xooga Dalka, Wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha Degmada Xudur ahna Duqa Magaalada.