AKHRISO:- Wasiir Biixi Imaan & Wafdi uu Hogaaminayo oo shir uga qayb galaya dalka Marooko

0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo Wafdiga uu hoggaaminayo oo ku sugan Magaalada Marrakish ee dalka Morocco ayaa kulamo gaar ah gaar ah la qaatay Masuuliyiin dowladeed iyo Hay’ado caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha Maaliyadda, qeyb muhiim ahna kulahaa arrimaha deyn cafinta iyo dib-u-haneynta Maaliyadda Soomaaliya.

Shir-doceedyadan uu galay Wasiirka Maaliyadda ayaa dhamaantood waxa ay ku qotomaan hannaanka dib-u-eegista Maaliyadda, dib-u-habeynta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka waxaana ugu horreeya,

Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan horumarinta Maaliyadda, dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo taageerada Dowladda kadib gaba-gabada hannaanka deyn cafinta waxa uu la yeeshay dhigiisa Wasiirka Maaliyadda Dowladda Qatar Mudane Ali Bin Ahmed Al-Kuwari.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Frderaalka Soomaaliya waxa uu sidoo kale kulan miro dhal ah la qaatay Hogaanka Wafdiga Dowladda Faransiiska uga qeyb galaya Shirka Marrakish, Wasiir Biixi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Faraniiska doorkii muhiimka ahaa ee ay ka cayaartay Wadamada ku bahoobay Naadiga Paris oo hannaanka deyn cafinta qeyn weyn kulahaa.

Sofoo kale Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaatay Agaasimaha Fulinta Bangiga Adduunka qeybta loo yaqaan (Africa Group 1) Dr. Floribert Ngaruko oo ay ka wada hadleen sidii Bangiga uu uga qeyb qaadan lahaa taageerada Dowladda Soomaaliya, kadib marka uu dhamaado barnaamijka deyn cafinta oo hada gaba gaba maraya.